Israa’iil oo iska diidday shuruudaha XMS ee heshiiska xabbad joojinta

Image
Quwadaha gobolka ayaa ka shaqaynaya sidii ay u dejin lahaayeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Qasa

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta xaqiijiyay in Xamaas ay ku xirtay sii daynta maxaabiista shuruudo adag oo aan la aqbali karin sida uu hadalka u dhigay.

Netanyahu waxa uu carabka ku adkeeyay in shuruudaha ay noqdaan kuwoo la mid ah heshiiskii hore, kaas oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen maxaabiista bishii November ee la soo dhaafay.

Quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa ka shaqaynaya sidii ay u dejin lahaayeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Qasa muddo toddobaadyo ah iyo in la sameeyo heshiis la isku dhaafsado maxaabiista labada dhinac.

Heshiiskan oo ay warbaahintu aad u hadal hayso ayaa waxaa ka mid ah in la sii daayo carruur, haween, iyo dhaawacyo Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas afduubatay, taas beddelkeedana la sii daayo maxaabiis badan oo falastiiniyiin ah iyo in gargaar loo ogolaado marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM