Israa'iil oo "ka fekereysa" in ay saldhig ciidan ka hesho Somaliland

Image
Majalada Middle East Monitor ayaa warisay in Yahuuda ay si weyn isha ugu hayso maamulka.

HARGEYSA, Somaliland - Israa'iil ayaa danaynaysa inay saldhig milateri ka samaysato Somaliland si ay isha ugu hayso Yemen iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, sidda uu Salaasadii daabacay mareegaha Middle East Monitor ee dawladda Qatar maalgeliso.

Sida warbixintu sheegtay, Israa’iil ayaa saldhigaas ku badalaysaa in ay xiriir la samayn doonto Somaliland oo hoostagta Soomaaliya oo aan hadda Israa’iil aqoonsanayn.

Middle East Monitor waxa ay xustay in Somaliland ay juqraafi ahaan tahay mid istaraatiiji ah. Waxaa horey u gumeystay Boqortooyadda Ingriiska iyadda oo xuduud la leh Itoobiya, iyo Jabuuti.

Somaliland oo 1991-dii sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya ayaa aduunka wuxuu u aqoonsan yahay in ay tahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Somaliland waxay ku taal Gacanka Cadmeed iyo meel u dhow halka laga soo galo marin biyoodka Bab al-Mandab, halkaas oo ay maraan ku dhawaad ​​saddex meelood meel maraakiibta dunidu.

Somaliland waxa ay leedahay xeeb dhan 740 kilomitir oo ku teedsan gacanka cadmeed waxana ay door muhiim ah ka ciyaari kartaa ilaalinta marin biyoodka Bab al-Mandab iyo badda cas ee budhcad badeedda, argagixisada iyo tahriibka, ayay qortay Middle East Monitor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM