Israa'iil oo ogolaatay dib-u-bilaabida is-dhaafsiga maxaabiista

Image
Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warramaysa in madaxa hay'adda sirdoonka ee Mossad ayaa la sheegay inuu helay fasax.

DOOXA, Qadar - Warbaahinta Israa'iil ayaa ku warramaysa in madaxa hay'adda sirdoonka ee Mossad uu helay fasax si uu dib u bilaabo wada xaajoodka is-dhaafsiga maxaabiista.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in David Barnea uu u safrayo Yurub labada maalmood ee soo socota si uu ula kulmo ra'iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani markii labaad muddo toddobaad gudihiis ah. Al Thani ayaa sidoo kale ah wasiirka arrimaha dibadda Qatar.

Barnea ayaa ku soo laabtay Israel dhowr maalmood ka hor ka dib markii uu la kulmay Al Thani si uu ugala hadlo dib u bilaabista wadahadalada, sidda ay warbixinada muujinayaan.

Waxaa jiray calaamado hore oo muujinayay in Netanyahu uu ka horjoogsaday madaxa Mossad inuu dib u bilaabo wadahadaladan, isagoo sheegay in cadaadiska militarigu uu yahay habka kaliya ee lagu soo celin karo maxaabiista.

Mar wax laga weydiiyey arrintaas shir jaraa’id oo uu qabtay Sabtidii lasoo dhaafay, Netanyahu wuu iska diiday su’aasha. Tani waxay sii xoojisay tuhunka jiray.

Laakiin ka dib markii saddexdaas maxbuus ee Israa'iil ay dileen millatariga Israa'iil, waxaa jiray cadaadis kordhay oo ah in dib loo bilaabo wadahadalka si loosoo daayo maxaabiista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM