Israa'iil oo qaadday tallaabo ka dhan ah QM ka dib hadalo ka soo yeeeray Guterres

Image

QASA - Ergayga Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil ay diidi doonto inay fiisaha dal-ku-galka siiso mas’uuliyiinta hay’adda caalamiga ah, ka dib hadallo dhawaan ka soo yeeray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres.

Dublamaasiga Israa’iil ayaa u arkay hadalada Guterres inay u muuqdeen kuwo qiil uga dhigaya weerarka Xamaas ee Israel.

Erdan ayaa Arbacadii u sheegay Raadiyaha Ciidanka Israa'iil: "Hadaladiisa dartood, waxaan diidi doonnaa inaan dal-kugal siino wakiillada Qaramada Midoobay”

Guterres ayaa horey u sheegay in weerarada Xamaas ee Israa’iil ay ka dambeeyeen sababo dhowr ah una baahan in wax laga qabto.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri, "Falastiiniyiinta waxaa lagu hayay cabudhin muddo 56 sano ah."

Guterres ayaa cambaareyay ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka waddo Qasa, kuna baaqay xabbad-joojin degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM