Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Image

TEL AVIV - Maxkamad ciidan oo Israa’iil ah ayaa shan sano oo xabsi ah ku xukuntay askari lagu helay inuu u basaasayay Iiraan intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay labada dal bishii June 2025, sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidamada Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askariga lagu helay dambiga kadib baaritaan wadajir ah oo ay sameeyeen booliska militariga, booliska Israa’iil iyo hay’adda sirdoonka gudaha ee Shin Bet.

Sida bayaanka lagu sheegay, askariga ayaa qirtay inuu fuliyay hawlo basaasnimo oo uu u sameeyay Iiraan, taasoo keentay in maxkamadda militarigu ay ku xukunto shan sano oo xarig ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan. Dowladda Israa’iil ayaa muddooyinkii u dambeeyay sheegtay inay fashilisay dhowr shabakad oo ay ku eedeysay inay u shaqeynayeen sirdoonka Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Xuutiyiinta oo ku hanjabay inay “go’doomin” ku soo rogi doonaan Sacuudiga 

Weerarkii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee Sancaa ayaa yimid xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 05:04AM