Israa’iil oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ku jirto xaalad dagaal

Image

QASSA - Golaha Wasiirada Israel ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xaalad dagaal oo dalkaasi ka jirta, taasoo ka dhalatay weeraradii Xamaas, oo ay ku dhinteen ilaa 600 oo Israa'iili ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan laba kun.

Xafiiska Netanyahu ayaa yiri: "Golaha wasiirrada siyaasadda iyo amniga waxay ansixiyeen in la galo xaalad dagaal, taasoo u ogolaanaysa ciidamada inay fuliyaan howlgallo militari oo baaxaad leh, sida uu qabo qodobka 40-aad ee sharciga dowladda aasaasiga ah."

Wuxuu intaas ku daray: "Dagaalka ayaa waxa uu bilawday markii Israa'iil lagu soo qaaday weerarkii dhimashada badan geystay kaas oo uga yimid dhanka Qassa Oktoobar 7, 2023 saacadu markay ahayd 06:00 subaxnimo".

Dhimashada Falastiiniyiinta ayaa haatan maraeysa 313 qof, oo ay ku jiraan 20 caruur ah, 1,990 kalena waa ay dhaawacmeen.

Dhinaca Israa’iil tirada dhimashada tan iyo subaxnimadii Sabtida ayaa kor u kacday iyada oo haatan gaartay 600, halka ay ku dhaawacmeen dagaalka 2 kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM