Israa’iil oo si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ku jirto xaalad dagaal

Image

QASSA - Golaha Wasiirada Israel ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xaalad dagaal oo dalkaasi ka jirta, taasoo ka dhalatay weeraradii Xamaas, oo ay ku dhinteen ilaa 600 oo Israa'iili ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan laba kun.

Xafiiska Netanyahu ayaa yiri: "Golaha wasiirrada siyaasadda iyo amniga waxay ansixiyeen in la galo xaalad dagaal, taasoo u ogolaanaysa ciidamada inay fuliyaan howlgallo militari oo baaxaad leh, sida uu qabo qodobka 40-aad ee sharciga dowladda aasaasiga ah."

Wuxuu intaas ku daray: "Dagaalka ayaa waxa uu bilawday markii Israa'iil lagu soo qaaday weerarkii dhimashada badan geystay kaas oo uga yimid dhanka Qassa Oktoobar 7, 2023 saacadu markay ahayd 06:00 subaxnimo".

Dhimashada Falastiiniyiinta ayaa haatan maraeysa 313 qof, oo ay ku jiraan 20 caruur ah, 1,990 kalena waa ay dhaawacmeen.

Dhinaca Israa’iil tirada dhimashada tan iyo subaxnimadii Sabtida ayaa kor u kacday iyada oo haatan gaartay 600, halka ay ku dhaawacmeen dagaalka 2 kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM