Israa’iil oo u yeertay safiirrada Spain iyo Belgium

Image

QASA (GO) - Israa'iil ayaa u yeertay safiirrada Spain iyo Belgium, sababo la xiriira hadallo ka soo yeeray ra'iisul wasaaraha labada dal oo shir jaraa'id ku qabtay xadka Marinka Qasa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa amar ku bixiyay in loo yeero danjirayaasha Spain iyo Belgium si loo u canaanto, ka dib hadallada ay ku dhawaaqeen ra’iisul wasaaraha Belgium iyo Spain.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in Benjamin Netanyahu uu “si adag u cambaareynayo” hadallada labada Ra’iisul Wasaare.

Ra'iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa horey u yiri: "Israa'iil waxay xaq u leedahay inay is difaacdo, laakiin dilka aan loo meel dayin ee Shacabka Qasa waa wax aan la aqbali karin, waxa ka dhacaya Marinka Qasa waa masiibo bini'aadantinimo."

Raiisel wasaaraha Belgian Alexander De Croo ayaa sidoo kale yiri: "Dadka Qasa waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo oo dheeri ah, Xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah waa inay noqotaa mid joogto ah."

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM