Israa'iil oo weerar aan horey loo arag ku qaadey Koonfurta Lubnaan

Image
Caruur ayaa lagu waramay in ay kamid yihiin dadka ku nafwaayay duqeymahan.

DOOXA, Qadar - Israa'iil ayaa fulisay dhowr weerar oo cirka ah oo ay ku bartilmaansatay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla koonfurta Beirut.

Weerarka ayay ku tilmaamtay "mid aan horay loo arag", waxaana lagu soo warramayaa in carruur ay ku jiraan kuwa la dilay iyadoo samatabbixiyeyaashu ay qodayaan burburka.

Milateriga Israa’iil ayaa mowjado weeraro ah ku qaaday Beyruut ka dib markii ay diideen baaqyada caalamiga ah ee xabbad joojinta ee Xisbullah.

Tani ayaa waxay sii xoojisay ololaha duqeynta oo ay ku dhinteen in ka badan 700 oo qof oo ka dhacay Lubnaan tan iyo Isniintii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM