Israa'iil oo xasuuqdey dad saf ugu jiray cunto loo qeybinayay

Image
Falkan oo dunida ka careysiiyay ayaa waxa uu ka dhacay gudaha magaaladda Gaza.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Tel Aviv ay baaris sameyn doonto kadib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah oo gaajaysan.

Dadkan ayaa ku sugnaa goob gargaar lagu qeybinayay ku taal Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 115 falastiiniyiin ah 760 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo laga yaabo in ay aad u liidato xaaladooda.

"Waxaan weydiisannay dowladda Israa'iil inay baarto, waana qiimeynteenna inay si dhab ah arrintan u qaadanayaan, ayna eegayaan wixii dhacay, si looga fogaado masiibooyinkan oo kale inay mar kale soo laabtaan," ayuu afhayeenka golaha ammaanka Qaranka John Kirby u sheegay wariyayaal.

Kirby oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in aysan Israel siinin waqti ay ku soo gabagabeeyaan baaritaankooda si ay aduunka ugu soo bandhigaan xaqiiqada waxa dhacay.

Afhayeen Kirby waxa uu hoosta ka xariiqay in Israa’iil ay “si dhab ah” u baarayso dhimashada kolonyada gargaarka ayna taas tahay dalabka rasmiga ah ee Dowladda Mareykanka.

"Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay sii wadi doontaa inay Israel ka taageerto militari ahaan in kasta oo ay sii kordhayso masiibada bini'aadantinimo ee Gaza," ayuu yidhi Kirby. "Weli waxaan ka caawinaynaa Israa'iil".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM