Israa’iil: Waxaan wadnaa Diyaargarowga wajiga labaad ee dagaalka

Image

QASA (GO) - Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ay uga faa’iideysan doonaan xabbad joojinta afarta maalmood ah ee ay la galeen Xamaas u diyaar garowga wejiga xiga ee hawlgalkooda marinka Qasa.

Afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa shir jaraa'id ku sheegay: "Inta lagu jiro maalmaha xabbad joojinta, ciidamada Israa'iil waxay dhameystiri doonaan diyaargarowga marxaladaha xiga ee dagaalka."

Saraakiisha Israel ayaa ku celceliyay in xabad joojinta aysan ka dhigneyn heshiis waara, iyaga oo carabka ku adkeeyay in dagaalku uu dib u bilaaban doono marka ay dhamaato afarta maalmood.

Horaantii Jimcihii, Wasiirka Difaaca Yoav Galant wuxuu sheegay in xabbad joojinta hadda jirta ay tahay mid ku meel gaar ah, ka dib Israa'iil waxay dib u bilaabi doontaa howlgalka iyada oo adeegsaneysan awooddeeda Ciidan oo buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM