Israa'iil & XMS oo wadahadal uga socda qodobada heshiiska xabbad joojinta

Image
Labada dhinac ayaa isku khilaafay tirada maxaabiista la sii deyn doono.

Qasa (GO) - Ilo xog ogaal ah ayaa shaaca ka qaaday in Israa'iil iyo Xamaas ay bilaabeen wada xaajood ku aadan faahfaahinta heshiiska xabbad-joojin ku-meel-gaar ah ee Qasa iyo sii deynta maxaabiista.

Heshiiskan aan wali la isla meel dhigin ayaa dhigaya sii deynta 400 maxaabiis falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 15 ku xukuman xabsi daa'im ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dileen Israa'iiliyiin, taas beddelkeedana ay Xamaas sii dayso 40 maxaabiis Israa’iili ah.

Dhanka kale, Xamaas oo jawaab ka soo saartay soo jeedintan ayaa soo jeedisay in la sii daayo 950 maxbuus oo ay ku jiraan 150 qof oo ku xukuman xabsi daa’im ah.

Israa'iil ayaa dhankeeda dalbatay in loo soo gudbiyo liiska magacyada maxaabiista weli nool, iyo in maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii dayn doono loo musaafuriyo waddan kale, laakiin Xamaas ayaa diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM