Israel: Wasiirka Amniga ayaa la dili lahaa

Image

QUDUS - Wasaarada Arimaha gudaha, Booliska iyo Hay'adda Amniga gudaha ee Shabak ayaa war ay si wadajir ah usoo saareen waxaa ay sheegeen in ay fashiliyeen weerar la qorsheynayay in lagu beegsado wasiirka amniga, Etamir bin Ghafir.

Israel waxay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay shan qof oo hawshaasi ka shaqaynayay.

Warka ayaa lagu sii daray in shanta qof uu la xiriiriyay oo hagayay qof ku sugan wadanka Urdun.

Sidoo kale hagaamiye diimeedka xagjirayaasha yuhuuda, Yahuud Galaad ayaa isna la sheegay in kooxdani qorshaynayeen in ay beegsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM