Itoobiya oo 95% ka dhamaatay dhisidda Biyo-xireenka Webiga Nile

Image
Warkaan ayaa ku soo beegmay sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruucan,

Addis Ababa (GO) - Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in heerka dhismaha biyo xireenka Nile uu gaaray 95%, waxaana warkan uu ku soo beegmay sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruucan, kaasoo khilaaf ka dhex abuuray Itoobiya iyo Masar & Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa qoraal kooban oo soo saartay ku sheegtay: “Sannadkan waxa uu ku beegan yahay sannad-guuradii 13aad ee ka soo wareegtay markii la dhagax dhigay mashruuca Biyo-xidheenka Nile, waxaana la dhamaystiray 95% (dhismaha biyo-xidheenka), riyadeena maanta waa rumooday”.

Dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah yeeshay si loo xaliyo khilaafka ku saabsan mashruuca biyo-xidheenka Nile, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, intii u dhaxaysay 17-kii ilaa 19-kii December, 2023-ka.

Wareegyadan ayaan wax natiijo ah ka soo bixin mana la gaarin heshiis ay ku wada qanceen dhammaan dhinacyada, iyadoo Masar ay intaa ka dib bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ka dhammaatay wada xaajoodkii biyo xireenka Nile, iyadoo Addis Ababa ay sii waday hawsha dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM