Jarmalka oo qaaday tallaabooyin cusub oo ka dhan ah qaxootiga

Image

BERLIN - Dowladda Jarmalka ayaa bilowday baaritaanno ay ka sameynayaan xuduudka ay la wadaagaan dalalka Poland iyo Czech Republic, iyadoo joojisay qaabilaadda dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Talyaaniga.

Jarmalka oo leh dhaqaalaha ugu sarreeya Yurub, ayaa ah dalka ugu horeya ee hiigsadaan muhaajiriinta iyo magangalyo doonka ee imaanaya wadamada Midowga Yurub.

Intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2023, qiyaastii 205,000 oo muhaajiriin ah ayaa magangalyo ka codsaday Jarmalka, taasoo ka dhigan koror 77% ah marka loo eego isla muddadaas 2022.

Sida laga soo xigtay maamulka, dad lagu qiyaasay 280,000 oo qaxooti ah ayaa hadda ku nool Jarmalka iyagoo aan haysan wax sharci ah, waxaana lagu qasbay inay dalka ka baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM