Jejniya: Wiilka Madaxweynaha oo dilay nin gubay kitaabka Qur’aanka

Image

MOSCOW - Madaxweynaha Jejniya Ramzan Kadyrov ayaa sheegay in wiilkiisa Adam uu garaacay ninkii lagu eedeeyay in uu ku gubay Qur’aanka gudaha dalka Ruushka, isagoo ku sifeeyay hab-dhaqanka wiilkiisa mid “sax ah”.

Kadyrov ayaa ku soo qoray aaladda Telegram. "Sidoo kale, waxaan aaminsanahay in qof kasta oo ku xad-gudba kitaab diini ah lagu xukumo ciqaab adag.”

19-kii May, muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay nin ku gubaya kitaabka Qur’aanka afeefka hore ee masjidka weyn ee magaalada Volgograd ee dalka Ruushka.

Sida laga soo xigtay hay'adda "TASS", dambiilaha ayaa si degdeg ah loo xiray maalintii xigtay, waxaana la ogaaday inuu yahay qof deegaanka ah oo qirtay intii lagu jiray su'aalaha in uu falkaas ku sameeyay amarrada sirdoonka Ukraine isaga oo ka qaatay 10 kun oo Rubles.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM