Joe Biden oo qalinka ku duugaya sharci mamnuucaya TikTok

Image
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka soo horjeeda mamnuucidda.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne Joe Biden ayaa diyaar u ah inuu saxiixo sharci ka mamnuucaya TikTok gudaha Mareykanka, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa kadib taageero loo dhan yahay oo uu ka helay Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga ee baarlamaanka Mareykanka.

Sharciga qalinka lagu duugayo ayaa dalbanaya shirkadda ByteDance ee laga leeyahay Shiinaha in ay ka tanaasusho lahaanshaha TikTok ama uu wajaho mamnuuc.

Iyadoo afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Mike Johnson uu riixayo codeynta golaha, haddana Aqalka Cad wuxuu soo jeedinayaa in sharcigu wali u baahan yahay hagaajin.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka soo horjeeda mamnuucidda, isaga oo u cuskanaya walaaca tartanka ee Facebook. Tani waa mawduuc kale oo xiiso leh.

Isbedelkan soo kordhay ayaa astaan ​​​​u ah tallaabo muhiim ah oo ku saabsan baaritaanka socda ee xiriirka TikTok iyo Shiinaha wallow shirkaddan aadka loo isticmaalo iska fogeysay eedaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM