Kharaashka lagu bixinayo milatariga oo gaarey heerkii ugu sareeyay abid

Image
Duullaanka uu Ruushka ku qaadey Ukraine ayaa, sidda ku cad warbixinta, sabab u ah kor-u-kaca miisaaniyadda.

DOOXA, Qadar - Kharashaadka lagu bixinayo millatariga aduunka oo dhan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay abid oo dhan $2.24 trillion sanadkii 2022, sidda laga soo xigtay warbixin cusub oo la daabacay Isniinta maanta ah.

Duullaanka uu Ruushka ku qaadey Ukraine ayaa, sidda ku cad warbixinta, sabab u ah kor-u-kaca miisaaniyadda ay dalalka caalamka gaar ahaan qaaradda Yurub ay ku bixinayaan dhinaca gaashaandhiga.

Machadka cilmi-baarista nabada ee Stockholm International Peace Institute (SIPRI) oo warbixinta soo saarey ayaa caddeeyay in sarre-u-kacan uu soo taxanaa in ka badan sideedii sano ee lasoo dhaafay.

"Kor u kac boqolkiiba 13 ah ayaa ka dhacay Yurub, waana kororkii ugu sarreysay ugu yaraan muddo 30 sano," ayay tiri warbixinta. "Intooda badan waxaa lala xiriiriyay Ruushka iyo Ukraine, laakiin waddamo kale ayaa sidoo kale kor u qaaday kharashaadka milatari iyaga oo ka jawaabaya hanjabaadaha Ruushka ee la dareemay".

Moscow ayaa qabsatay jasiiradda Crimean ee Ukraine 2014-kii, waxayna taageertay fallaagada gooni-u-goosadka ee bariga dalka ka hor inta aysan billaabin duullaankeeda ballaaran bishii Febraayo 2022.

"Tallaabooyinka ayaa sababay qaylo-dhaan ka timid waddamada kale ee deriska la ah Ruushka ama mar ka mid ahaa Midowgii Soofiyeeti, iyadoo kharashka Finland uu kor u kacay 36 boqolkiiba, iyo kharashka milatariga Lithuania boqolkiiba 27," ayuu xusay machadka SIPRI.

Bishii Abriil, Finland, oo xuduudda ay la wadaagto Ruushka dhererkeedu dhan yahay 1,340km (833 mayl), ayaa noqotay xubinta 31-aad ee NATO. Sweden oo 200 sano ku biirin isbahaysi milatari ayaa iyaduna doonaysa in ay ku biirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub: Xaaladda Bani’aadanimo ee Gaza Waa Mid “Aan La Aqbali Karin”

UK iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in la sii daayo dhammaan dadka la haysto.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:00AM