Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay afaafka garoon milatari

Image
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse ururka ISIL ayaa kordhiyay weerarada magaaladan.

KABUL, Afgaanistaan - Qarax ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee militariga ee caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ayaa geystay khasaare kala duwan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliban.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdul Naafi Takor, ayaa xusay in qaraxii uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isagoo intaa ku daray in uu socdo baaritaan.

Ma uusan carabaabin nooca iyo bartilmaameedka qaraxa. Hase ahaatee, goobta ay wax ka dhaceen waa mid kamid ah meelaha ammaankooda aadka loo ilaaliyo ee gudaha Kabul.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qarax xooggan laga maqlay ka hor 8-dii subaxnimo (03:30 GMT) ee agagaarka garoonka diyaaradaha ee aadka loo adkeeyay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse ururka ISIL ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii Taliban ay dib ula wareegeen talada bishii Ogosto. 2021.

Bartilmaameedyada waxaa ka mid ahaa ilaalada Taliban iyo xubnaha Shiicada laga tirada badan yahay ee Afgaanistaan kuwaasoo horey bartilmaameed ugu ahaa isla kooxda talada la wareegtay.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan shan qof oo Shiinees ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii kooxo xiriir la leh maleyshiyaadka ISIL ay weerareen hotel ay caan ku yihiin muwaadiniinta reer China ee ku nool Kabul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM