Khilaaf sababay in la mideeyo Shirka wadamada Carabta iyo kan Isbaheysiga Islaamka

Image

RIYADH (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa Fiidnimadii Jimcaha ku dhawaaqday in la mideeyay shir-madaxeedka degdega ah ee Islaamka iyo kan Jaamacadda Carabta, si ay hal shir u yeeshaan maanta oo Sabti ah.

Kalabar wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ayaa dalbaday in la isku daro labada shir madaxeed, Sacuudiguna wuu aqbalay arrintaas. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo la hadlay “Al-Caraby Al-Jadiid”.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in sababta shir madaxeedkan la isku daray ay tahay in la isku afgaran waayay go’aanno muhiim ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Wadamo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa la warinaya in ay diideen go’aamo wax ku ool leh oo ka dhan ah duulaanka Israa’iil, iyaga oo ka door biday qodobo aan dhaafsiisnayn cambaareyn.

Arrintan ayaa loo arkaa mid ka hor imanaysa codsigii Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo ku adkaystay in shir madaxeedka degdega ah ee Carbeed uu noqdo mid ka madax banaan kan wadamada Islaamka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM