Kooxaha Iska caabinta ee Ciraaq oo weeraray Saldhig maraykan ah

Image
Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq ayaa weeraray saldhigga “Ceyn Al-Asad” oo ku yaalla gobolka Anbar.

BAQDAAD (GO) - Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq ayaa maanta oo Arbaca ah shaaca ka qaaday in ay weerareen saldhigga “Ceyn Al-Asad” oo ku yaalla gobolka Anbar ee galbeedka dalkaasi, iyagoo xusay in bartilmaameedka uu ahaa mid ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn.

Bayaan ay soo saareen ayaa lagu yiri: “Iyadoo laga jawaabayo dambiyada cadawgu ka geysanayo Qasa, Mujaahidiinta Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq waxay beegsadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Ceyn Al-Asad”

Waxaa xusid mudan in kooxaha Islaamiyiinta ee Ciraaq ay ku dhawaaqeen habeenimadii Axadda ee la soo dhaafay in 5 ka mid ah dagaalyahanadooda ee ku sugnaa magaalada Kirkuk lagu dilay duqeyn maraykan ah.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu ahaa “is-difaac,” iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal yahanno isu diyaarinayay in ay weerar ku qaadaan meel u dhow Kirkuk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM