Kooxaha Iska caabinta ee Ciraaq oo weeraray Saldhig maraykan ah

Image
Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq ayaa weeraray saldhigga “Ceyn Al-Asad” oo ku yaalla gobolka Anbar.

BAQDAAD (GO) - Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq ayaa maanta oo Arbaca ah shaaca ka qaaday in ay weerareen saldhigga “Ceyn Al-Asad” oo ku yaalla gobolka Anbar ee galbeedka dalkaasi, iyagoo xusay in bartilmaameedka uu ahaa mid ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn.

Bayaan ay soo saareen ayaa lagu yiri: “Iyadoo laga jawaabayo dambiyada cadawgu ka geysanayo Qasa, Mujaahidiinta Iska caabinta Islaamka ee Ciraaq waxay beegsadeen saldhiga ciidamada Mareykanka ee Ceyn Al-Asad”

Waxaa xusid mudan in kooxaha Islaamiyiinta ee Ciraaq ay ku dhawaaqeen habeenimadii Axadda ee la soo dhaafay in 5 ka mid ah dagaalyahanadooda ee ku sugnaa magaalada Kirkuk lagu dilay duqeyn maraykan ah.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu ahaa “is-difaac,” iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal yahanno isu diyaarinayay in ay weerar ku qaadaan meel u dhow Kirkuk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM