Ku biirida Soomaaliya ee golaha ammaanka UN-ka oo cod loo qaadayo

Image
Soomaaliya waxaa ku biiraysaa afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha June ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Guushan taariikhiga ah oo si weyn isha loogu haayo ayaa la filayaa in si rasmi ah kaddib codbixin uu u qaaday golaha guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa New York u jooga codbixinta.

Sidda uu xeerinayo xeerka Qaramada Midoobay ee kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa kursiga ku fadhiisan doonta labo sano oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.

Soomaaliya waxaa ku biiraysaa afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo shaqeeyeen Golaha ay ku jirto Soomaaliya horaantii 1970-meeyadii.

Sikastaba ha ahaatee, dalalkan ku biiraya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay badali doonan wadamadda lagu kala magacaabo Mozambique, Switzerland, Malta, Japan, iyo Ecuador.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM