Kuuriyada Waqooyi oo ka digtay dagaal nukliyeer ah

Image

NEW YORK - Kuuriyada Waqooyi ayaa uga digtay Qaramada Midoobay in gacanka Kuuriya ay wajaheyso khatarta ah in uu ka qarxo dagaal nukliyeer ah, iyada oo ku sababaneysa falalka uu ku kacayo Maraykanka.

Wakiilka Kuuriyada Waqooyi ee Qaramada Midoobay, Kim Sung, ayaa ka sheegay golaha loo dhan in Mareykanka oo u horseedayo gacanka dagaal nukliyeer ah markii la eego falalkii gurracan oo sanadkii hore geystay.

Kim Sung waxa kale oo uu cambaareeyay tillaabooyinka uu qaaday madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yul, kaas oo ka shaqeeyay xoojinta iskaashiga Washington iyo Japan.

Wakiilka ayaa hadaladan ku dhawaaqay isla maalintii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka digay tartan cusub oo hubka Nukliyeerka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM