Kuuriyadda Waqooyi oo qaadey talaabo ka careysiisey reer galbeedka

Image
Tijaabada Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaysa maalin un kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay tijaabisay gantaal cusub oo ay samaysatay.

WASHINGTON, USA - Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Waqooyiga Kuuriya ay saddex gantaal oo kuwa balastiga ee ridada dhexe ay ku rideen dhinaca badda bariga.

Hay'adda ay ku midaysan yihiin ciidamada qalabka sida ee koonfurta kuuriya (JCS) ayaa ku tiri war-saxaafadeed: "Waxaan ogaanay in saddex gantaal oo nooca balaastiga ah ee ridada dhexe laga tuuray degaanka Chunghwa ee u dhaw caasimada dalka Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang'".

Gantaalaha ay riday Kuuriyada Waqooyi ayaa jaray badda dusheeda ku dhawaad 350 KM, sida lagu sheegay qoraalka ciidamada Koonfurta Kuuriya.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in sirdoonka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay iska kaashanayaan fur-furka iyo fahanka noocyada gantaalaha iyo waxyaabaha ay ka samaysan yihiin, iyadoo aan la raacin faah-faahin dheeri ah.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee Kuuriyada Waqooyi, iyada oo loogu yeeray in ay joojiso.

''Ciidankeenu wuxuu u diyaar yahay in uu ka jawaabo daan-daansi kasta oo ka yimaada Kuuriyada Waqooyi waliba si deg-deg ah,'' ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Tijaabada Kuuriyada Waqooyi ayaa imaanaysa maalin un kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay tijaabisay gantaal cusub oo ay samaysatay.

Todobaadkii hore, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa isaga oo ka qayb galayay shirka xisbiga shaqaalaha oo ah midka dalkaas ka taliya wuxuu sheegay in uu siiyay ciidamada qorshe cusub oo kor loogu qaadayo awooda milatari ee dalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM

Hogaamiyayaasha Caalamka oo ka falceliyay geerida Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ka tacsiyeeyay isagoo sheegay in Raisi uu ahaa "saaxiib iyo walaal qiimo badan".

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 10:59AM