La taliye Mareykan ah oo xaqiijiyay in Xamaas ay ka guulaysatay Israa’iil

Image

WASHINGTON (GO) - Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton, ayaa sheegay in Xamaas ay guul weyn ka gaartay Israel.

Hadalka John Bolton waxa uu ku soo baxay maqaal lagu daabacay wargeyska “Telegraph” ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegay in heshiiska Xabbad joojinta oo labada Faa’iido iyo Khasaare xabaarsan yahay, balse waxa uu sheegay in dagaalyahannada Xamaas oo uu ku tilmaamay “argagixiso” ee inta badan ee faa’iidooyinka ay iyagu heleen.

Waxa uu qoray in maxaabiista laga sii daayo gacanta Xamaas ay tahay wax la ammaano, laakiin wadda khaldan loo maray.

Waxa uu intaa ku daray: "Weli ma cadda in heshiiskani uu noqon doono mid saameyn togan ku yeellan doono Israa'iil, balse waxa uu wiiqaya awoodda ay u leedahay in ay xaqiijiso hadafkeeda ahaa in ay baabi’iso Xamaas."

Sarkaalkii hore ee Maraykanku wuxuu ku tilmaamay heshiiska la gaaray mid dhinacyo badan ka cilladaysan, xitaa haddii uu si fiican u dhaco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM