Lamaane kamid noqdey dad ku nafwaayay shil diyaaradeed

Image
Image
Image
Diane iyo Ron Hughes oo 57-jir iyo 65-jir ahaa kana soo jeeda Liverpool ayaa waxay guursadeen 2021.

CANBERRA, Australia - Lamaane British ah ayaa kamid noqdey afar rakaab oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhashay isku-dhaca laba helicopter ah meel u dhow goob lagu nasto oo ku taal Australia, sidda saxaafadu qortey.

Diane iyo Ron Hughes, 57-jir iyo 65-jir ahaa, waxay ka yimaadeen Liverpool waxayna guursadeen 2021. Labada diyaaradood ayaa isku-dhacay iyaga oo hawada sarre ku jiray.

Bayaan ay soo saareen ayay qoyska lamaanahan waxay ku sheegeen inay qalbi jabeen oo ay wali isku dayayaan inay la xiriiraan asxaabta iyo qoyska si ay u ogaadaan warka dhimashadda.

Baaritaanadii ugu horeeyay ee la sameeyay ayaa lagu ogaaday in diyaarad siday 7 qof isla markaana markaas kacdey ay ku dhacday diyaarad kale soo dageysay taasoo ay saarnaayeen lix qof.

Duuliye 40 jir ah iyo haweeney 36 jir ah oo kasoo jeeda New South Wales ayaa sidoo kale waxay kamid noqdeen dadka ku nafwaayey shilkan diyaaradeed.

Madaxa Xafiiska Badbaadada Gaadiidka Australia, Angus Mitchell oo ay soo xigatay warbaahinta caalamka, ayaa tibaaxay in dhacdadani ay tahay "in uu sanadka cusub ugu bilowday naxdin".

Shilkan ayaa ka dhacay Xeebta Dahabka ah – oo aan ka fogeyn aagga Sea World ee gobolka Queensland – abaarihii 2-dii duhurnimo ee xilliga maxaliga ah ee Australia Isniintii.

Beerta waxaa xilliyadda fasaxa xagaaga u soo dalxiis taga qoysas badan. Gobolka Gold Coast ayaa ah kan ugu mashquulka badnaa Jannaayo - wakhtiga ugu badan ee fasaxyada xagaaga Australia.

Sea World Drive waa meesha ugu weyn ee laga galo beerta badda ee caanka ku ah dalxiisayaasha ee wadnaha Gold Coast. Waa xilliga dalxiiska ee ugu sarreeya gobolka hadda, iyadoo dugsiyadu xiran yihiin fasaxa xagaagana uu dheer yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM