Liberia: Laacibkii hore oo looga adkaaday tartanka doorashada

Image

MONROVIA (GO) - Madaxweyne ku xigeenka dalka Liberia Joseph Boakai ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalkaas, isaga oo helay codad gaaraya %51, ka dib markii guddiga doorasahda ay shaaciyeen natiijada rasmiga ah.

Madaxweyne George Weah oo tartanka kula jiray ayaa qirtay in laga guuleystay, isagoo sheegay in xisbigiisa looga adkaaday doorashada.

Mareykanka ayaa ugu hambalyeeyay Boakai guushiisa iyo Weah sida nabada ah ee uu u aqbalay natiijada.

Weah ayaa balan qaaday inuu ka shaqayn doono wanaaga Liberia ilaa inta xilka laga wareejinayo bisha Janaayo.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda dalka Liberia oo si nabad ah xukunka loogu wareejiyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM