Liz Truss oo ku guuleysatay ra’iisul wasaaraha xiga ee UK

Image
Boris Johnson oo ay hareeyeen fadeexado waaweyn taasoo sababtey in uu xafiiska baneeyo ayay badalaysaa.

LONDON, UK - Liz Truss ayaa ku guuleysatay xilka ra'iisul wasaaraha cusub ee UK kadib markii ay tartan adag kaga adkaatay Rishi Sunak. Truss waxay heshay codadka ugu badan ee xisbigeeda Konserfatifka.

Truss oo tan iyo 2021 ah wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyadda Ingiriiska ayaa waxay badalaysaa Boris Johnson oo ay hareeyeen fadeexado waaweyn taasoo sababtey in uu xafiiska baneeyo.

Johnson ayaa lagu qasbay inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa bishii July, waxaana uu u safri doonaa Scotland si uu ula kulmo boqorada Elizabeth Talaadada si uu si rasmi ah ugu gudbiyo istiqaaladiisa.

Muddo dheer oo ay ahayd musharraxa ugu horreeya tartanka lagu beddelayo Johnson, Truss ayaa waxay noqonaysaa ra'iisul-wasaarihii afaraad ee Konserfatifka tan iyo doorashadii 2015.

Truss, oo 47 jir ah, ayaa fagaareyaal kala duwan waxay ka ballan qaaday in ay si degdeg ah wax uga qaban doonto dhibaatada nolosha qaaliga noqotey ee Boqortooyadda Ingiriiska.

Waa ruma Mary Elizabeth Truss?

Haweenaydan ayaa carabka ku adkeysay in toddobaad gudihiis ay la iman doonto qorshe ay wax kaga qabato biilasha tamarta ee sii kordhaya iyo sugidda sahayda shidaalka mustaqbalka.

Qoraal ay ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka kadib markii lagu dhawaaqay guusheeda ayay ku caddeysay in ay diyaar u tahay sidii ay u xalin lahayd caqabadaha "dib u dhigaya waddankeena".

Mary Elizabeth Truss waxay ku dhalatay 26 Luulyo 1975 Oxford, England. Aabheed John Kenneth wuxuu soo noqdey macalin maadadda xisaabta ah halka Priscilla Mary Truss ay ahayd macalin luuqada Latin-ka.

Wasiirka Haweenka iyo Sinnaanta ayay noqotey 10 September, 2019. Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga ayay ahayd 24 July 2019 – 15 September 2021.

Xildhibaan laga soo doortey Koonfur Galbeed Norfolk ayay noqotey 6 May 2010. Xilalka kale oo ay soo qabatay waxaa kamid ah Wasiirka degaanka iyo isbadalka cimiladda oo kamid ah xilalka ay kusoo shaac-baxdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM

Walaac caalami ah oo ka dhashay weerarada bur-cadbadeeda Soomaaliya

Saddexdii bilood ee hore ee sanadkan 2024-ka, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay shan weerar gaadmo ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 04:59AM