Maamulka Biden oo baaraya suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel ka geysatay Qasa

Image
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa muddo bilo ah wada qiimeyn ku saabsan xadgudubyada Israa’iil.

Qasa (GO) - Warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in maamulka madaxweyne Joe Biden uu baarayo suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel geysatay intii lagu jiray dagaalkii ay ka waday Marinka Qasa tan iyo todobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Shabakadda Huffington Post ayaa sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay muddo bilo ah wadeen qiimeyn ku saabsan xadgudubyada suurtagalka ah ee Israa’iil ee sharciga caalamiga ah.

Maraynkanka ayaa marwalba gacan ka geysaneyay wiiqida kiiska xasuuqa ee ay Koonfur Afrika uga gudbisay Israa’iil Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda iyo dadaallada kale ee loogu talagalay in lagu qiimeeyo hawlgalka milatari ee Israel. .

Si kastaba ha ahaatee, website-ka Huffington Post ayaa soo xigtay saddex ilo xaqiijinaya in baaritaanno gudaha ah ay wadaan maamulka Mareykanka si loo qiimeeyo xadgudubyada suurtagalka ah ee sharciga caalamiga ah ee Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM