Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Image
Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

DOOXA, Qadar - Maamulka Joe Biden ayaa u sheegay sharci-dajiyayaasha muhiimka ah inuu u dirayo Israel dhaqaale cusub oo ka badan $1 bilyan oo hub iyo saanad ah, sida ay sheegeen laba kaaliye oo ka tirsan Congress-ka.

Waa hubkii ugu horreeyay ee loo diro Israa'iil oo uu ku dhawaaqo maamulku tan iyo markii uu hubka kale oo loo waday Yahuuda - kaasoo ka kooban 3,500 oo bam - oo la hakiyay horraantii bishan.

Maamulka Biden ayaa sheegay in uu hakiyay wareejintii hore si ay Israa’iil uga ilaaliso in ay u adeegsato bambooyinka duullaanka sii kordhaya ee ay ku hayso magaalada Rafah ee koonfurta Qaza ee ay dadku ku badan yihiin.

Gacanyarayaasha Kongareeska ayaa codsadey in aan la adeegsan magacyadooda sababo ku aadan inuu xasaasi yahay kiiskan wallow aan wali si rasmi ah loo shaacin wareejita deeqdan.

Lama sheegin goorta hubka la dirayo.

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah wareejinta suurtagalka ah ee $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah, $ 500 milyan oo baabuurta nooca taatikada ah iyo $ 60 milyan oo garneelada hoobiye ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM