Macron oo ka laabtay eedeyn oo u jeediyay Israa’iil

Image

PARIS (GO) - Madaxtooyada Israa'iil ayaa ku dhawaaqday Axaddii in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu u sheegay dhiggiisa Israa'iil in uusan ku eedeynin Israa'iil inay si ula kac ah u waxyeeleyso dadka rayidka ah ee ku sugan Qasa, isaga oo tixraacaya hadallo uu jeediyay mar uu wareysi siinayay (BBC).

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa soo dhaweeyay sida uu Macron uga laabtay hadaladiisii hore, ka dib bayaan ka soo baxay madaxtooyada Israa’iil.

Macron ayaa wareysi uu siiyay BBC-da fiidnimadii Jimcaha, ku booriyay Israa’iil inay joojiso duqeynta ay ku dilayso dadka rayidka ah ee Qasa, isagoo yiri:

“Maanta waxaa jira dad rayid ah oo ay duqeyn ku socoto, carruurtan, haweenkan, dadkan waayeelka ah waxay si maalinla ah ula kulmaan Duqeyn iyo Dil”

Madaxtooyada Israa’iil waxa ayaa dhankeeda tidhi, “Macron waxa uu caddeeyey in aanu wax niyad ah u haynin in uu Israa’iil ku eedeeyo in ay si ula kac ah u waxyeelaysay dad rayid ah”.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM