Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil oo booqday Masar

Image

QASA (GO) - Madaxa Hay'adda Ammaanka Gudaha ee Israa'iil (Shin Bet) ayaa booqanaya Masar, sida laga soo xigtay Warbaahinta Israa’iil.

Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in Shin Bet Ronen Bar uu booqanayo Qaahira si uu ula kulmo madaxda sare ee Masar, iyaga oo ka wada hadli doona heshiis la filayo in lagu sii daayo maxaabiista Xamaas ay ku haystaan ​​Marinka Qasa.

Wadahadallada lagu sii deynayo maxaabiista ayaa wali sii socda iyada oo aan la gaarin horumar la taaban karo, sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xaqiijiyay isaga oo intaas ku daray in doodo maalinle ah ay ka dhacayaan arrintan.

Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay faafin doonaan macluumaadka heshiis kasta oo lagu sii daayo maxaabiista, isaga oo ku baaqay in xogta laga qaato ilaha dowladda oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM