Madaxda adduunka oo bas rakaab ah u raacay aaska boqoraddii Ingiriiska

Image

LONDON, (GO) - Inta badan madaxda adduunka oo ay ku jiraan boqoro iyo madaxweynayaal ayaa aaska boqoradda Ingiriiska Elizabeth II u raacay basas.

Qaarkood ayaa jeclaan lahaa in ay ku tagaan baabuurtooda aysan rasaastu karin sida madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo loo ogolaaday keligiis in uu gaari ku tago.

Illaa 500 madaxda adduunka iyo 2 kun oo qof ayaa ka qeybgalaya aaska boqoradda oo maanta loo sameynayo aad qaran.

Waxaa safka hore fariisanaya xubnaha 23 da qoys ee boqoryooyada, waxaana xigsanaya madaxda adduunka sida baratakoolka uu qabo.

Maadaamaa madaxda usoo duushay ay badantahay, waxaa lagu dhiirogaliyay in ay soo raacaan diyaaradaha rakaabka maadaamaa ciriiri uu ka jiro garoonka, balse sidaas oo ay tahay qaar baa la imanaya diyaarahooda gaarka ah.

Dowlad kasta oo xiriir dublamaasiyadeed la leh Britain ayaa la casuumay marka laga reebo Ruushka, Belarus iyo Myanmar.

Boqran Elizabeth ayaa intii ay noolayd si shaqsiyan ah ula kulantay inta badan madaxda ka qeybgalaysa aaskeeda, iyada oo safar ku tagtay wax ka badan 100 dal oo adduunka ku yaala.

Dowladda Ingiriiska ayaa la tacaalaysa sidii ay uga jawaabi lahayd codsiyada tirada badan ee madaxda tiradaas laeg, waxaana ka mid ah in ay la yimaadaan dhaqtarkooda, qaar ayaa codsaday in ay soo wataan turjumaano maadaamaa aysan Ingiriiska ku hadlin sida madaxweynaha Brazil Jair Bolsanaro.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Sri Lanka oo xirtey askar u dhalatay dalkaas kuna biirtey milatariga Ruushka

Arrintan ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Hindiya uu afar qof lagu xiray kiis kan la mid ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 04:59PM

Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

  • Caalamka

    09-05-2024

  • 08:04AM