Madaxweynaha Chad oo la kulmay Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Niger

Image

NIGER: Madaxweynaha Chad Mohamed Idriss Deby ayaa la kulmay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger, Mohamed Bazoum, ka dib markii uu shalay oo Axad ahayd gaaray caasimadda dalkaas ee Niamey.

Sarkaal ka tirsan Niger ayaa xaqiijiyay in Deby uu ka shaqeynayey dhex-dhexaadinta sii deynta Bazoum iyo dib ugu soo laabashadiisa xafiiska, kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen Ururka ECOWAS, kaas oo ka qeyb galay madaxweynaha Chad.

Intii uu socday shir madaxeedka degdega ah, madaxda ECOWAS waxay ku baaqeen in si buuxda loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tillaabooyin adag ah haddii aysan taasi dhicin.

"Tallaabooyinkan waxaa ka mid noqon kara awood in la adeegsado" ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shir-madaxeedka, iyaga oo intaas ku daray in saraakiisha difaaca ee wadamada ECOWAS ay si degdeg ah isugu imaan doonaan si ay arrintaan uga shiraan.

Dhankiisa, afhayeenka xukuumadda Chad Casiis Maxamed Saalax ayaa sheegay in madaxweynaha Chad uusan ka socon shaqana ku laheyn Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha xilka laga tuurey ee Niger ayaa horey uga digay in faragelin milatari dalkiisa lagu sameeyo, haddii milatariga afgambiga hogaaminayay ay diidaan hindisaha Afrika ee lagu xallinayo qalalaasaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM