Madaxweynaha Chile oo Erdogan ku taageeray in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha amaanka

Image
Mareykanka ayaa dhawaan Qaraar xabad-joojin looga sameeyo Qasa u adeegsaday diidmada qayaxan.

NEW YORK (GO) - Madaxweynaha Chile Gabriel Buric ayaa ku booriyay in dib u habeyn degdeg ah lagu sameeyo Qaramada Midoobay ka dib diidmada qayaxan ee Mareykanka ee ka dhanka ah qaraarka ee xabbad joojinta Marinka Qasa.

Buric ayaa ku qoray boggiisa "X": "Dib u habeynta qaab dhismeedka degdega ah ee Qaramada Midoobay waa lama huraan, dunidu maaha sidii ay ahayd 1945.”

Mareykanka ayaa dhawaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsaday diidmada qayaxan ee qaraarka qabyada ah ee Imaaraatka oo dalbanayay in si deg deg ah xabad-joojin looga sameeyo marinka Qasa, lana sii daayo dhammaan maxaabiista iyadoon wax shuruud ah lagu xirin.

Ingiriiska ayaa ka aamusay codeynta, waxaana 13-ka xubnood ee golaha ammaanka ee haray ay u codeeyeen qaraarka.

Shalay oo Sabti ahayd, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay in dunidu ay ka weyn tahay shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha, isla markaana aan la aqbali karin in shan dal ay maamulaan mustaqbalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM