Madaxweynaha Falastiin oo wacad ku maray in lala xisaabtami doono Israa’iil

Image

QUDUS - Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in beegsiga cisbitalka Al-Ahli uu yahay dambi dagaal oo aad u xun oo aan loo dulqaadan karin, isaga oo intaa ku daray "Cidna kama aqbali doono eray aan eheenhala joojiyo dagaalka."

Cabbaas waxa uu intaasi ku daray “Waa dambi aan la cafin karin, sidaas darteedna dowladda ku kacday waxay ka gudubtay khadadka cas, mana ogolaan doono in ay ka badbaado la xisaabtanka iyo ciqaabta”.

Cabbaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay tahay in la joojiyo gardarada ka dhanka ah shacabka Falastiin, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Israa’iil oo ay ilaalo caalami ah siiyaan shacabka Falastiin.

Waxa uu ku daray inuu samayn doono wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo joojiyo dhiigga ku daadanaya Qasa iyo Daanta Galbeed, isagoo yidhi:

“Golaha Ammaankuna waa inuu qaataa mas'uuliyadiisa oo uu soo saara go’aan lagu cambaareynayo dambigaas, isla markaana si degdeg ah lagu joojinayo gardarrada.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM