Madaxweynaha Faransiiska oo booqan doono Israa’iil

Image

PARIS - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan magaalada Tel Aviv ee dalka Israa'iil, halkaas oo lagu wado inuu kula kulmo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, sida ay xaqiijisay Madaxtooyada.

Netanyahu ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Madaxweynaha Faransiiska iyo Ra'iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte ay booqan doonaan Israa'iil.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegantay in ka badan laba toddobaad ka dib weerarradii ay Xamaas ku qaadday Israa'iil, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof, oo ay ku jiraan soddon qof oo Faransiis ah.

Sidoo kale, 7 qof oo Faransiis ah ayaa weli la la’yahay, waxaana la rumeysan yahay in dhammaantood ay gacanta ugu jiraan ururka Xamaas, sida uu horey u sheegay Macron.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, iyo Ra'iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa dhammaantood booqday Israa'iil, si la mid ah Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM