Madaxweynaha Iiraan oo mar kale u hanjabay maamulka Yahuuda

Image
Xukuumadda Tehran ayaa wacad ku martay in ay u aargudi doonto Ismaaciil Haniyah.

DOOXA, Qadar - Ciidamada Israel ayaa duqeeyay labo iskuul ku yaala magaalada Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in boqolkiiba 80 dadka lagu dilay laguna dhaawacay iskuulada Hassan Salama iyo Nassr ay ahaayeen caruur.

Dhanka kale, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa mar kale ballan qaaday in uu ka aargudan doono dilka Ismaaciil Haniyah, isagoo u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan oo booqasho ku jooga in Israa’iil ay "khalad weyn" ku sameysay dilka hoggaamiyaha Xamaas.

Hezbollah ayaa sheegtay in ay koox ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dishay xeryaha ciidamada Israa’iil qeybta 91-aad ee Ayelet HaShahar. Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in laba askari ay "dhaawac dhexdhexaad ah" ka soo gaareen weerarka.

Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu la hadlo Boqorka Jordan Boqor Cabdallah uuna isugu yeero kooxdiisa amniga qaranka si uu ugala hadlo xiisadaha sii xumaanaya ee ka taagan Bariga Dhexe.

Dhinaca kale, Talyaaniga iyo Turkiga ayaa ku biiray wadamo badan oo muwaadiniintooda ugu baaqaya in ay isaga baxaan Lubnaan iyadoo laga cabsi qabo in gobolka uu dagaal ka qarxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM