Madaxweynaha Israa'iil oo waayay xiriirkii uu la lahaa wiilkiisa oo ku sugan Qasa

Image

QASA (GO) - Xaaska Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa shaaca ka qaaday in go’ay xiriirka kala dhaxeeyay wiilkeeda ee ka dagaalamaya gudaha marinka Qasa.

Michelle Herzog ayaa u sheegtay warbaahinta Israa'iil in mid ka mid ah wiilasheeda uu ka mid ahaa askarta Israa'iil ee loogu baaqay in ay ku biiraan dagaalka dhulka ee Qasa..

"Wax xiriir ah oo aan la yeelanay ma jirin in muddo ah, laakiin wali rajo ayaan leennahay" ayay raacisay.

Xaaska madaxweynaha ma aysan caddeyn saddexda wiil ay dhashay midka uu yahay kan ku sugan Qasa.

Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in in ka badan 40 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen gudaha Qasa, tan iyo markii uu billowday howlgalka dhulka ah ay ka fulinayso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM