Madaxweynaha Mexico oo dhigiisa Peru ku tilmaamay "Boonbale"

Image
Hadalkan ayaa xiisad diblumaasiyadeed waxa uu ka dhex-qarxiyey labadda dal.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha waddanka Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador oo saxaafadda hadlay, ayaa waxa uu weerar ku qaaday dhiggiisa Peru, Dina Boluarte, isaga oo ku sifeeyay inay tahay "boonbale" taasoo xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxisay labada dal.

Cilaaqaadka u dhexeeya Mexico iyo Peru ayaa xumaaday tan iyo bishii Disembar kadib markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee waddankaPeru Pedro Castillo.

Isniintii, Lopez Obrador wuxuu sii watay dhaleeceynta uu u jeedinayo Castillo, isagoo ku tilmaamay xaaladda "gebi ahaanba been abuur ah" iyo "caddaalad darro weyn".

Obrador ayaa waxa uu qiyaasay in "hadafka dhamaadka" ee ka saarista Castillo ay tahay "yagleelida maalqabeeno u dhaca kheyraadka dabiiciga ah ee dalka".

"Waxay u baahan yihiin inay yeeshaan boonbale, guddoomiye af-gaaban oo iyaga u gaar ah," Lopez Obrador ayaa ka sheegay shir jaraa'id oo ay goobjoog ka ahayd warbaahinta

Castillo waxaa xilka ka xayuubiyay sharci-dejiyayaal dabayaaqadii sanadkii hore ka dib markii uu isku dayay in uu kala diro baarlamaanka. Waxaa bedelay madaxweyne ku xigeenkiisii ​​xiligaas, Boluarte.

Jimcihii, Boluarte waxay ku dhawaaqday ka bixitaanka "dhammaan" ee safiirka Peru ee Mexico ka dib markii Lopez Obrador ay ku tilmaantay dawladeeda mid aan dastuuri ahayn.

Waxay sidoo kale diidday waxa ay ugu yeertay faragelinta Lopez Obrador ee "arrimaha gudaha ee Peru iyo su'aalihiisa soo noqnoqda ee aan la aqbali karin ee asalka dastuuriga ah iyo dimoqraadiyadda" ee dawladeeda.

Khilaafka dublamaasiyadeed ayaa bilaabmay wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay Boluarte, iyadoo Lopez Obrador uu dhaleeceeyay xil ka qaadista iyo xariga Castillo, kaas oo ku jira xabsi ka hor 18 bilood oo lagu eedeeyay shirqool iyo fallaagonimo. Castillo wuu diiday eedeymaha.

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM