Madaxweynaha Ukraine oo raadinaya ajaaniib ku biira Ciidanka

Image
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ajaanibta ay ku biiri karaan Ciidmada Ukraine.

Kiev (GO) - Ukraine ayaa albaabada u furtay ajaanibta doonaya inay ku biiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka, iyadoo Kiev ay rajaynayso inay ka soo kabsato khasaarihii ka soo gaaray dagaalkii labada sano socday ee kala dhaxeeyo Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bayaan uu soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in "ajaanibta iyo dadka aan dhalasho lahayn" ay hadda ku biiri karaan Ilaalada Qaranka ee Ukraine.

"Qof kasta oo raba inuu ku biiro difaaca Ukraine, Yurub iyo adduunka ayaa iman kara oo ka barbar dagaalami kara Ukraine," ayuu ku yiri bayaanka.

Waxaa jiray dagaalyahanno ajnabi ah oo ku biiray Ciidamada Ukraine tan iyo markii uu billowday duulaanka ballaaran ee Ruushka bishii Febraayo 2022, laakiin inta badan waxay uga mid ahaayeen si mutadawacnimo ah.

Ma cadda tirada dagaalyahannada ajnabiga ah ee u safray Ukraine si ay ugu biiraan Ciidamada dalkaas, laakiin uma badna inay buuxin karaan Khasaaraha baaxadda leh ay kala kulmayaan Jabhadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM