Madaxweyne la xiray kadib markii musaafuris kasoo laabtey

Image
Hogaamiyahan ayaa qorshihiisu ahaa in uu abaabulo taageereyaashiisa kahor doorashooyinka dowladaha hoose.

TBILISI, Georgia - Georgia ayaa xirtay madaxweynihii hore dalkaas, Mikheil Saakashvili, markii uu dalka ku laabtay siddeed sano oo musaafuris uu ku maqnaa, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah.

Saakashvili ayaa la sheegay in uu doonayay inuu abaabulo taageerayaashiisa ka hor doorashooyinka qaran ee dowladaha hoose oo loo arko inay muhiim u yihiin qaab dhismeedka siyaasadeed ee waddankaas.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa waxay soo bandhigtay sawirri iyo muuqaal muujinaya Saakashvili oo dhoolla -caddaynaya oo loo galbinayo xabsiga Rustavi fiidnimadii Jimcaha.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Georgia ayaa u sheegtay kanaalka madaxa bannaan ee Formula TV in "Saakashvili uusan kasoo tallaabin xadka gobolka Georgia."

Ka soo noqoshada Saakashvili ee Ukraine ayaa xiisad abuurtey ka hor doorashooyinka dawladaha hoose ee Sabtida, oo loo arko tijaabo muhiim u ah xisbiga talada haya ee sii kordhaya.

Saakashvili ayaa waxaa baadi goobaya mas'uuliyiinta Joorjiya iyadoo lagu eedeynayo ku takrifalka wallow isagu uu dacwadaha ku sifeeyay inay yihiin kuwo siyaasadeysan.

Sanadkii 2013 ayuu ka tagay Georgia ka gedaal markii ay dhammaatay muddadiisii ​​labaad oo uu uu ahaa madaxweynaha dalkan isku xira qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Isniintii, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka soo laaban doono Ukraine, isagoo tibaaxay inuu u duuli doono caasimadda Georgia ee Tbilisi fiidnimadii Sabtida uuna dhajin doono nuqul ka mid ah tigidhkiisa safarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM