Magaca shirkada uu hoostagayo Facebook oo la bedelay

Image
Talaabadan waxay kusoo hagaagaysaa xilli magaca Facebook ay hareyeen fadeexado ka dhashay dukumiintiyo ay faafisay haweenay horay uga soo shaqeysay.

WASHINGTON, USA - Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.

Waxaa sidooda ahaan doona adeegyada Facebook, Instagram iyo WhatsApp balse shirkadda wayn ee ay hoos imaadaan oo markii hore xitaa dusha sare ka ahayd Facebook ayaa loo yeelay magaca cusub.

Maamulka shirkaddan ayaa sheegay inay "sii badinayaan" waxa uu magacooda ka dhigan yahay marka loo eego adeegyada ay qabtaan, kuwaasoo ka gudbay baraha bulshada oo hadda gaaray meelo kale sida muuqaallada qalabka indhaha la isu galiyo.

Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.

Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay "badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd".

Sanadkii 2015-kii waxaa sidan oo kale magaca looga baddalay shirkadda Google oo loo bixiyay Alphabet, hase yeeshee, magacaas cusub ayaan meeshiisa laga qaadin, ilaa haddana lalama qabsanin.

Talaabadan waxay kusoo hagaagaysaa xilli magaca Facebook ay hareyeen fadeexado ka dhashay dukumiintiyo ay faafisay haweenay horay uga soo shaqeysay.

BBC + GO

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM