Mali oo ka digtay in fargelin militari lagu sameeyo dalka Niger

Image

BAMACO, Mali - Wasiirka Arrimaha Dibadda Mali Abdoulaye Diop ayaa Sabtidii uga digay Qaramada Midoobay in dalkiisu "uusan ka aamusi doonin" haddii fargelin militari lagu sameeyo Niger si loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah.

Muddo dhowr todobaad ah ayaa ururka ECOWAS waxa ay ku hanjabayeen in ay bilaabayaan faragelin milatari oo ay uga gol leeyihiin in ay xilka dib ugu soo celiyaan madaxweynihii hore Mohamed Bazoum.

Diop ayaa ka sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, isaga oo wakiil ka ah taliska milatariga Mali, in dalkiisu "uu si adag uga soo horjeedo faragelin kasta oo ay sameeyaan ECOWAS."

Wuxuu intaas ku daray: "Duullaan kasta oo lagu sameeyo dalkan, waxay halis galineysa nabadda iyo ammaanka Mali & gobolkaba”.

Mali waxa ay heshiis dhanka difaaca ah la saxiixatay Niger iyo Burkina Faso toddobaad ka hor, kaas oo dhigaya in la iska kaalmeeyo haddii ay dhacdo weerar lagu bartilmaameedsanayo madax-bannaanida dhuleed ee saddexda waddan ee ay ciidamadu maamulaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM