Maraakiib ay leedahay Iiraan oo lagu weeraray Gacanka Cadan

Image
Tehran ayaa sanadihii dambe kordhisay joogitaankeeda gacanka si ay uga hortagto burcad-badeeda Soomaalida.

TEHRAN, Iiraan - Markab dagaal oo Iiraan leedahay ayaa fashiliyey burcadbadeed doonaysay inay la wareegto laba markab oo kuwa shidaalka ah oo Iiraan leedahay, sidda uu shaaca ka dhigay telefishinka dowladda.

Taliyaha ciidamada badda Iran oo ku tilmaamay weerar "dhacdo argagixiso badeed", ayaa Sabtidii daaha ka rogay in burcad-badeeda beegsatay labada markab ay saarnaayeen shan doonyo.

Admiral Shahram Irani ayaa intaas ku daray in howlgalka badbaadinta ay qeyb ka qaateen markab ay saarnaayeen tobanaan ciidamo ah iyo nooca wax burburiya ee loo yaqaano Alborz.

"Doonyihii weerarka soo qaaday ayaa lagu qasbay inay goobta ka tagaan, waxaana weerarkooda dib loogu celiyey jawaabta waqtiga ku habboon ee ciidamada kumaandooska ee saarnaa maraakiibta," ayuu yiri Irani.

Sida laga soo xigtay Irani, labada markab ee shidaalka sidday oo magacyadooda uusan soo bandhigin ayaa si nabad ah ku dhex maray aagga oo waqti xaadirkan ammaan ah.

Ciidamada badda ee Iran ayaa si ballaaran u kordhiyay hawlgallada wehlinta maraakiibta sannadihii u dambeeyay si ay maraakiibtooda uga ilaaliyaan weerarada burcad-badeedda Soomaalida.

Bishii Juun ee sannadkan, laba markab oo ay leeyihiin ciidankaIran, Makran iyo Sahand, ayaa bilaabay wax noqday safar socday in ka badan afar bilood kaasoo ay ku marayaan gacanta Cadan ee falkan dambe ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM