Maraykanka iyo Iiraan oo Maxaabiis is-dhaafsanaya

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Wasiirkii Arimaha Dibada ee Maraykanka, Antonie Blinken ayaa jimcihii oo ku beegnayd 15 Sept saxiixay Amar uu Iiraan ugu fasaxayo dhaqaale gaaraya 6 Bilyan oo dollar kaasi oo uga xanibnaa dalka Kuuriyada Koonfureed.

Fasixida dhaqaalahan ayaa qeyb ka ah Heshiis Iiraan iyo Maraykanku ay isku dhaafsanayaan Maxaabiis shan ah Iyada oo dhinac kasta uu siidaynayo shan Maxbuus oo muwaadiniinta kan kale ah.

Dalka Qadar oo isagu Akoono dalkiisa ah lagu shubay 6 Bilyan ee Iiraan loo sii daayay ayaa dhex-dhexaadiye ka ah heshiiska.

Safiirka Iiraan ee Qadar, Xaamid Dahqaani ayaa sheegay in Heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista ee dalkiisa iyo Mareykanka uu meel gebo-gebo ah Marayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM