Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah
WASHINGTON – Maraykanka iyo Iran ayaa wada wada-hadallo albaabadu u xiran yihiin, iyadoo Pakistan ay sheegtay in ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo labada dhinac lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka dhex taagan. Safiirka Pakistan u fadhiya Moscow, Faisal Niaz Tirmizi, ayaa arrintan u sheegay wakaaladda wararka ee TASS.
Tirmizi ayaa xaqiijiyay in horumar laga sameeyay xiriirrada u dhexeeya Washington iyo Tehran, isagoo sheegay in wada-tashiyada labada dhinac ay “hadda socdaan”. Safiirku, si kastaba, ma uusan shaacin goobta ay wada-hadalladu ka dhacayaan, isagoo sheegay in faahfaahintaasi tahay xog aan dadweynaha loo bandhigin.
Pakistan ayaa door dhex-dhexaadin ah ka qaadanaysa dadaallada lagu soo celinayo wada-hadallada Maraykanka iyo Iran. Islamabad waxay sheegtay in ay adeegsanayso waddooyin diblomaasiyadeed oo toos ah iyo kuwo dadban si labada dhinac loogu soo celiyo miiska wada-xaajoodka, iyadoo la raacayo heshiis is-afgarad oo hore loogu kala saxiixday Islamabad.
Wada-hadallada ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran, cunaqabateynta Maraykanka iyo xaaladda marin-biyoodka Hormuz. Ilo reer Iran ah ayaa Arbacadii sheegay in aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray kordhinta heshiiskii xabbad-joojinta, isla markaana Tehran ay Washington ka doonayso inay dib ugu laabato heshiiskii ku-meelgaarka ahaa.
Tirmizi ayaa hore u sheegay in xiriirrada qarsoodiga ah ee Washington iyo Tehran ay socdaan, isagoo Pakistan ku tilmaamay dhexdhexaadiye labada dhinac ay u arkaan mid daacad ah. Islamabad waxay ka digtay in haddii xiisadda sii kororto ay saameyn ku yeelan karto dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan qiimaha shidaalka iyo sahayda cuntada.
GAROWE ONLINE