Maraykanka: Musharax madaxweyne oo u hanjabay Israa’iil

Image

WASHINGTON - Musharaxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga, Cenk Uyghur, ayaa argagixisanimo ku tilmaamay duqeymaha ay Israa'iil ka geysanayso Marinka Qasa, isaga oo ku baaqay inay si degdeg ah u joojiso.

Uyghur ayaa cambaareyay sida ay reer Galbeedku u maareynayaan qadiyadda Falastiin, isagoo yiri, "Maxay dowladda Israa'iil ugu eedeyn waayeen inay tahay argagixiso, maadaama ay dishay saddex laab tirada rayidka ah ee Xamaas dileen?

Waxa uu intaa ku daray, "Miyayna nolosha Falastiiniyiintu wax macno ah lahayn, waan ka daalnay xagjirnimada ka dhanka ah Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta,"

Uyghur waxa uu carabka ku adkeeyay in uu si degdeg ah u joojin doono taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil haddii uu qabto xilka madaxtinimada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM