Maraykanka oo bilaabay inuu gargaar siiyo dadka deggan Qasa

Image
Sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in gargaarkan loo adeegsaday diyaarado.

Qasa (GO) - Saddex diyaaradood oo kuwa xamuulka ah oo Maraykanku leeyahay ayaa maanta sahay cunto gaarsiiyay marinka Qaza, sidoo sheegay sarkaal Maraykan ah, iyadoo Marinka wajahayo masiibo bini'aadannimo.

Sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ("Centcom") ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee France-Presse, "Waxaan gargaar bini'aadannimo gaarsiinay Qasa, iyadoo ay ka qaybqaateen saddex diyaaradood oo nooca C-130 ah."

Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku dhawaaqay maanta, in ay markale gaarsiin doonaan deegaannada waqooyiga marinka Qasa gargaar bini'aadannimo oo dhanka Cirka ah.

Dhowaan ayay ahayd markii wadamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Imaaraatka, Urdun, Qatar, Cumaan, Baxrayn iyo wadamo kale oo ajaaniib ah ay bilaabeen inay gargaar gaarsiyaan marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM