Maraykanka oo Iiraan ka hor istaagay shir lagu qaban lahaa

Image
Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah.

WASHINGTON, USA - Afhayeen u hadlay Hay'adda Badaha Aduunyada ayaa sheegay in golahooda fulintu ay maalintii shalay ay ogolaadeen soo jeedin ka timid Maraykanka.

Soo jeedinta Maraykanka oo ay Ingiriiskuna kuna socdeen ayaa ku saabsanayd in laga laabto go'aan isla golahaan uu gaaray 2015 kaasi oo Iiraan u ogolaaday in ay marti-geliso shir arimaha Badaha looga hadli lahaa kaasi oo dhici lahaa bisha October ee inagu soo wajahan.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah isla markaana bishaan bilawgeedi ay isku dayday in ay qabsato markab shidaal oo dalkiisa laga leeyahay.

Golahan ayaa waxaa xubno ka ah 40 dowladood balse wuxuu go'aanku waji gabax ku noqonayaa Iiraan oo dadaal ku bixinaysay in uu dalkeeda ka qabsoomo shirkaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM