Maraykanka oo xogo muhiim ah la wadaagay Ciidanka Israa’iil

Image

QASA (GO) - Wargeyska (The Economicist) ee kaso baxa dalka Ingiriiska ayaa daabacay xog ku saabsan in Israa’iil ay maanta macluumaad muhiim ah heshey maraakiibta dagaalka ee Mareykanku leeyahay ee ku sugan gobolka.

Macluumaadkaas ayaa ku saabsan guud ahaan dhaqdhaqaaqyada ay samenayaan guutada Al-Qasam iyo guutooyinka kale ee ka dagaalamaya dhinaca waqooyi ee marinka Qasa.

Sidoo kale wargeyska waxa uu qorey in caruurta ku dhimatey Qasa tiradooda ay kor u dhaaftay tiradii carruurta lagu dilay dhammaan dagaallada dhacaayay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Wargeyska oo qiyaas ka qaatay sawirrada ka imaaanya dayax-gacmeedyada, ayaa sheegay in in ka badan Toban meelood meel guryaha Qasa la burburiyey, taas oo ka dhigan in 280 qoys ay haatan yihiin hoy la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM